SAWIRRO:Qof xalay isku dilay xerada IFO

0
683

Wararka naga soo gaaraya xerada qaxootiga ee IFO ee deegaanka Dadaab, ismaamulka Garissa ayaa sheegaya in xalay uu halkaasi isku ceejiyay qof ay da’diisu ahayd 60 sano.
Waxaa saaka la arkay meydka Cadoow Cabdi Xoog oo ka laallada geed ku yaalla duleedka gurigiisa.
Waxaa meydka arkay dadka deggan xaafadaasi oo ku wargeliyay laamaha ammaanka.
Shacabka ayaa sheegay in ay arkeen meydka oo uu qoorta uga xiran yahay xarig adag waxaana markii dambe halkaasi ka qaaday ciidamada ammaanka.
Ehelka Cadoow Cabdi Muxumad oo loo yaqaaney Cadoow Cabdi Xoog ayaa warbaahinta u sheegay in uunan qabin xanuun dhanka dhimirka ah.
Waxay intaasi ku dareen in xilli aan sii fogeyn uu qaatay daawada xanuunka qaaxada.
Waxaa warbaahinta Star loo xaqiijiyay in taariikh ahaan , qofka xalay isku dilay xerada qaxootiga ee IFO uu markii hore ku shaqeysan jiray gaari dameerka ama kareetada ka dibna uu raaci jiray ariga qaxootiga ee loo yaqaano qalanka in kastoo uunan waayihii dambe wax shaqo ah hayn.
Alle ha u naxariistee, Cadoow ayaa ahaa aabbe dhalay carruur badan oo ay dadkiisana ubad sii dhaleen.
Falkan oo ka dhacay xerada IFO gaar ahaan xaafadda N10 ayaa waxaa si aad ah uga naxay dadka xerada kuwa deegaanka iyo ehelka marxuunka is ceejiyay.
Lama ogo sababta ka dambeysay inuu Cadoow Cabdi naftiisa ka takhaluso waxayna ciidamada danbi baarista iyo bahda caafimaadka xaqiijiyeen inuu u dhintay xarigga uu dhuunta isaga ceejiyay.
Ma aha markii ugu horreysay ee xeryaha qaxootiga uu qof isku dilo marar badan ayayna dhacday arrintan oo kale waxaana la sheegaa in dadka is dila ay fikir iyo wareer ka qadaan xaaladaha cakiran iyo nolasha adag ee xeryaha in kastoo aysan jirin baaritaano rasmi ah oo laga sameeyay dhacdooyinkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here