Maxkamadda oo booliiska ka hor istaagtay inay dibadbaxayaasha u adeegsadaan awood xad dhaaf ah

0
511

Maxkamadda sare ee dalka ayaa ciidamada booliiska ka hor istaagtay in ay dibadbaxayaasha u adeegsadaan baabuurta biyaha rusheeya, sunta dadka ka ilmeysiisa, rasaasta iyo hubka kale ee culus.
Tani ayaa timid ka dib dacwad uu maxkamadda geeyay Saitabao Ole Kanchory.
Kanchory ayaa ku dooday in booliiska ay ku kaceen falal sharci darro ah intii ay ka falcelinayeen mudaaharaadyada.
Waxaa uu laamaha ammaanka ku eedeyay inay ku xadgudbeen xuquuq dastuuri ah.
Garsoore Mugure Thande ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka aynan awood xad dhaaf ah u adeegsan karin dibadbaxayaasha.
Sidoo kale waxay maxkamaddu go’aamisay in booliiska aynan gaysan karin dilalka sharci darrada ah , afduubka , xabsi geynta aan kala sooca lahayn iyo fal kasta oo lagu jirdilaya ama lagu dhaawacaya sumcadda shakhsiyaadka ka soo horjeeda hindise sharciyeedka maaliyadda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here