DHAGEYSO:Barasaabka Mombasa oo sheegay in ay qasab tahay in madaxda ay shacabka dhageystaan

0
487

Guddoomiyaha ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta Cabdulswamad Shariif Naasir ayaa sheegay in madaxda laga doonaya in ay dhageystaan oo ay tixgeliyaan afkaarta shacabka.
Waxaa uu siyaasiyiinta ku dhaliilay in ay ka caroodeen qaabkii ay kenyaanka uga soo horjeesteen hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan.
Barasaabka Mombasa ayaa xusay in qofka mas’uulka ah sida madaxweynaha dalka looga baahan yahay inuunan fududeysan talooyinka ay siiyaan dadka ka agdhow.

Bayaan uu soo saaray ayuu dhanka kale madaxweyne ku xigeenka waddanka ku dhaliilay qaabkii uu u eedeyay agaasimaha adeegga qaran ee sirdoonka (NIS) Nuurdiin Maxamad Yuusuf Xaaji.
Cabdulswamad Shariif Naassir ayaa su’aal geliyay sababta uu Gachagua u go’aansaday inuu Nuurdiin ku dhaliilo goob fagaare ah isagoo si khaas ah ula hadli kara.
Waxaa uu xusay in tallaabadii madaxweyne ku xigeenka waddanka Rigathi Gachagua uu meel fagaare ah uga hadlay gaabadka shaqo ee adeegga qaran ee sirdoonka ay ahayd mid baal marsan dhaartii uu maray.
Waxaa uu ku eedeeyay inuu ka gaabiyay qaadashada mas’uuliyadda la xiriirta saameyntii ka dhalatay dibadbaxyadii ay kenyaanka uga soo horjeesteen hindise sharciyeedka maaliyadda.
Sidoo kale wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Garissa oo uu hor kacaya guddoomiyahooda Cabdi Iidle ayaa cambaareeyay hadalkii uu dhawaan jeediyay madaxweyne ku xigeenka waddanka Rigathi Gachagua ee ka dhanka ahaa Nuurdiin Xaaji.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in hadalkii Gachagua uu wax u dhimi karo amniga dalka iyo isdhexgalka bulshada.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here