3 ka mid ah saraakiisha caafimaadka oo lagu dilay Qaza

0
297

Wakaaladda difaaca rayidka ee Qaza ayaa sheegtay in ciidamada Israa’iil ay dileen saddex ka mid ah saraakiisha caafimaadka.
Waxaa halkaasi lagu dhaawacay 12 kale.
Weerarka ayay diyaaradaha Israa’iil fuliyeen xilli ay saraakiishan dadaallo samatabixin ah ay ka wadeen xerada qaxootiga ee Bureij ee Bartamaha Qaza.
Tani iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore waxaa duqeymaha Israa’iil ee Qaza lagu dilay ugu yaraan 37,765 qof halka la dhaawacay 86,429 kale .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here