Azimio oo maxkamadda geysay dacwad ka dhan ah howlgelinta militariga

0
145

Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa maxkamadda u gudbiyay dacwad uu uga soo horjeedo qorshaha ay dowladda dhexe ku howlgelisay ciidamada difaaca qaranka si ay booliiska garab ugu siiyaan ka falcelinta dibadbaxyada.
Qareenka matalaya Azimio Otiende Amollo ayaa sheegay in tallaabadan ay sharci darro tahay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in wasiirka difaaca ee dalka Aadan Barre Ducaale uu howlgelinta ciidamada militariga ku soo daabacay wargeyska rasmiga ee dowladda iyadoo uunan taasi ansixin baarlamaanka ama golaha difaaca.
In kastoo uu baarlamaanka markii dambe qorshahan meel mariyay haddana Otiende ayaa ku doodaya in aan la marin habraaca habboon.
Dacwadda Azimio ayaa imaanaysa iyadoo uu shalay garsooraha maxkamadda sare ee dalka Lawrence Mugambi uu meesha ka saaray dacwad noocani ah oo uu gudbiyay ururka qareennada waddanka ee LSK iyadoo uu xaakinka fasaxay in militariga uu sugo amniga kaabayaasha muhiimka ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here