Doorasho guud oo maanta ka dhacaysa Iiraan

0
110

Waxaa ay doorasho guud maanta ka dhacaysa dalka Iiraan iyadoo goobaha codbixinta la xiri doono abaare 6-da maqribnimo.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in haddii uu dib u dhac jiro codeynta ay sii socon karta ilaa saqda dhexe ee caawa.
Waxaa ay dadweynaha dooranayaan madaxweynaha beddelaya Ebrahim Raisi oo bishii hore ee May ku geeriyooday shil diyaaradeed.
Waxay u badan tahay in dadweynaha aynan si wayn ugu soo bixin codeynta.
Xilligii doorashadii guud ee sanadkii 2021-kii ayay ahayd markii codbixiyeyaasha ka qayb qaatay doorashadii Iiraan tiradooda lagu sheegay boqolkiiba 48.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here