5 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay waddada Gilgil-Naivasha

0
90

Waxaa la xaqiijiyay in 5 ruux ay geeriyoodeen ka dib shil laga soo tabiyay waddada xiriirisa deegaannada Gilgil iyo Naivasha ee ismaamulka Nakuru.
Ciidamada booliiska ayaa sheegay in ugu yaraan 19 qof oo kale ay dhaawacmeen.
Shilka ayaa ka dhacay aagga Kigio waxayna dadka ku dhintay isugu jiraan labo rag ah, haweeney , wiil iyo gabadh.
Warbixinta booliiska waxaa ku cad in shilka uu u dhexeeyay saddex ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee mataatuuda oo ay kala leeyihiin shirkadaha Narok Line Services, Mau Narok Sacco iyo Ennus Matatu Sacco.
Laamaha ammaanka ayaa hoosta ka xarriiqay in wadaha mid ka mid ah baabuurtan uu isku dayay inuu gawaarida kale ka hormaro taasi oo keentay inuu baabuurka xakameyn waayo oo uu ka baxo qaybtii waddada ee loogu talagalay.
Dadka shilka ku dhaawacmay ayaa hadda lagu daaweynaya isbitaalka deegaanka Naivasha halka meydadka shanta qof la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka deegaanka Gilgil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here