Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee dalka oo nabadgalyo ku baaqay

0
246

Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee dalka Korir Sing’Oei ayaa kenyaanka ku boorriyay in ay nabadgalyada ku dadaalaan oo aynan sameyn dibadbaxyo dheeraad ah.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee X ayuu ku xusay in maadaama uu madaxweyne William Ruto ka laabtay qorshihii maaliyadeed ee dowladda ee ay kenyaanka ka caroodeen loo baahan yahay in la joojiyo dibadbaxyada.
Waxaa uu da’yarta ka codsaday in ay oggolaadaan wada hadallada uu madaxweynaha dalka xusay inuu la yeelanaya.
Tani ayuu ku tilmaamay fursad isbeddel dowladeed horseedi karta oo ku saleysan rabitaanka shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here