Xildhibaan ku baaqay in baarlamaanka la kala diro

0
365

Xildhibaanka deegaan baarlamaaneedka Nyaribari Masaba ee ismaamulka Kisii Daniel Manduku ayaa doonaya in baarlamaanka la jebiyo.
Siyaasigan oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ee ODM ayaa carrabka ku adkeeyay in dibadbaxyadii ballaarnaa ee ay dhallinyarada sameeyeen ay muujiyeen in aan lagu kalsoonayn baarlamaanka iyo maamulka Kenya Kwanza.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ay wanaagsan tahay in madaxweyne William Ruto uu baarlamaanka kala diro sidoo kalena uu dib u soo dhiso golihiisa wasiirrada.
Daniel Manduku ayaa intaasi ku daray in doorasho cusub oo dalka ka qabsoonto 90 cishe gudaheeda ay tahay sida keliya ee lagu soo celin karo kalsoonida shacabka iyo hufnaanta dimuqraadiyadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here