Ururka dhakhaatiirta daawooyinka ka bixiya isbitaallada oo maanta war soo saari doono

0
87

Waxaa uu qorshuhu yahay in abaare 12-ka duhurnimo ee maanta ay warbaahinta la hadlaan mas’uuliyiinta ururka ay ku mideysan yihiin dhakhaatiirta daawooyinka ka bixiya isbitaallada ee (KUCO).
Waxay faahfaahin doonaan shaqo joojinta ay weli ku guda jiraan iyo halka ay wax marayaan.
Saraakiishan caafimaadka ayaa ku adkeysanaya in aynan shaqo joojinta soo afjari doonin ilaa ay dowladdu si buuxda uga xallinaysa tabashooyinkooda.
Waxay dalbanayaan wada xaajoodyo dhameystiran oo dhanka mushaaraadka ah , dallacsiin, in howlwadeenada hoos tago barnaamijka caafimaadka guud ee UHC lagu shaqaaleysiiyo qaab joogto ah, in ardayda soo bartay culuunta caafimaadka mushaar lagu siiyo heerka shaqo, caymis caafimaad oo dhameystiran iyo bixinta lacagaha gunnooyinka ee halista shaqada.
Xoghayaha Guud ee ururka KUCO George Gibore ayaa sheegay in aynan farxad gelinayn shaqo joojinta ay ku howlan yihiin.
Waxay intaasi ku dareen in ay doonayaan dhaqangelinta heshiisyada ay la galeen dowladda sare iyo ismaamullada si ay ugu laabtaan isbitaalladii ay ka shaqeynayeen.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here