DHAGEYSO:Madaxweynihii hore ee dalka oo sheegay in uunan helin xuquuq dastuuri ah

0
228

Xafiiska madaxweynihii afaraad ee dalka Uhuru Kenyatta ayaa dhaliil u jeediyay dowladda talada haysa gaar ahaan madaxtooyada.
Agaasimaha isgaarsiinta ee Uhuru Kenyatta, Kanze Dena ayaa hoosta ka xarriiqday in hoggaamiyihii hore uunan helin faa’iidooyin dastuuri ah oo loogu talagalay madaxweynayaasha marka ay howlgab noqdaan.
Waxay sheegtay in xafiiska madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta aan la siin miisaaniyad dhaqaale oo dhameystiran taasi oo horseedday caqabado .
Waxay beenisay in Uhuru Kenyatta la siiyay xafiis loo qalabeeyay oo uu ka howlgalo .
Sidoo kale waxay xustay in baabuurta uu madaxweynihii hore ee dalka weli isticmaalo ay yihiin kuwii uu adeegsanayay xilligii uu hoggaanka wadanka wareejinayay iyadoo aan la dhaqangelin is-afgarad ahaa in xafiiskiisa baabuur loo soo iibiyo.
Kanze ayaa tilmaantay in kastoo xafiiskan loo qoondeeyay 655 milyan oo shilin, haddana in sanad maaliyadeedkan lagu wareejiyay keliya 28 milyan.
Xilli ay faahfaahinaysay caqabadaha maaliyadeed ee haysta xafiiska Uhuru Kenyatta iyo xiriirrada ay dowladda la sameeyeen ee aan ilaa iyo hadda laga falcelin sida ay hadalka u dhigtay ayay Kanze Dena tiri.

Hasa ahaate, afhayeenka dowladda dhexe, Issac Mwaura ayaa bayaan uu soo saaray ku beeniyay dhaliilaha dowladda uga yimid xafiiska madaxweynihii hore Uhuru Kenyatta.
Waxaa uu sheegay in xafiiskaasi la siiyay 14 baabuur ah oo la dayactiro sidoo kalena ay madaxtooyada shidaalka ku shubto.
Issac Mwaura ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Uhuru Kenyatta uu adeegsado xafiis loo iibiyay oo qalabeysan oo ay ka howlgalaan 33 shaqaale.
Sidoo kale waxaa uu beeniyay hadalkii agaasimaha isgaarsiinta ee Uhuru Kenyatta , Kanze Dena ee ahaa in ay isticmaalayaan baabuur duug ah.
Waxaa uu tilmaamay in dowladda ay ka go’an tahay ilaalinta xeerarka dastuuriga ah sida in madaxweynaha xafiiska baneeyay uu helo mushaarkiisa howlgabnimada , tasiilaadka xafiiseed ee uu u baahan yahay , gunnooyinka iyo maalgelinta safarradiisa maxalliga iyo kuwa dibadda .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here