Tirada dadka ku dhintay duqeymaha Israa’iil ee Qaza oo sii korortay

0
313

Tirada dadka ku dhintay duqeymihii ugu dambeeyay ee ay Israa’iil ka gaysatay Marinka Qaza ayaa gaartay 274 qof.
Xafiiska warfaafinta ee Qaza ayaa laga soo xigtay in ugu yaraan 698 ruux oo kale ay falalkan ku dhaawacmeen.
Duqeymaha Israa’iil ee dhanka cirka , dhulka iyo badda ee shalay lagu bartilmaameedsaday xerada qaxootiga ee Nuseirat iyo magaalada Deir el-Balah ee Bartamaha Qaza ayaa lagu tilmaamay kuwii ugu xumaa tan iyo bishii Tobnaad ee sanadkii hore.
Midowga Yurub ayaa weerarrada Nuseirat ku tilmaamay xasuuq.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii, waxaa duqeymaha ay Israa’iil weli ka wado Qaza lagu dilay ugu yaraan 37,084 qof halka la dhaawacay 84,494 kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here