DHEGEYSO:Kalonzo oo ka digay in la xiro barasaabka Trans Nzoia

0
40

Madaxa xisbiga Wiper Patriotic Front (WPF) Kalonzo Musyoka ayaa cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay hanjabaado xarig ah oo uu sheegay in lagula kacaya guddoomiyaha ismaamulka Trans Nzoia George Natembeya.
Waxaa uu dowladda uga digay cabsigelinta mas’uuliyiinta mucaaradka.
Kalonzo ayaa hoosta ka xarriiqay in mucaaradka ay ka soo horjeedsan doonaan isku day kasta oo lagu dhibaateynaya Natembeya isagoo xusay in dulqaad siyaasadeed uu muhiim u yahay dimuqraadiyadda.
Waxaa uu ka jawaabayey hadal uu jeediyey wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Kipchumba Murkomen kaasi oo ka dhan ahaa Natembeya.