DHAGEYSO:Madaxweynaha oo amar siiyay jaamacadaha dalka

0
390

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhammaan jaamacadaha dowliga ah ku amray in ay ka laabtaan warqadihii qaabilaadda ee ay siiyeen ardayda ku biiraya xarumahan.
Waxaa uu sheegay in jaamacadaha laga doonaya in ay ardayda siiyaan warqado cusub oo muujinaya qiimaha lacageed ee ay waalidiinta bixin karaan iyadoo la raacaya nidaamka cusub ee maalgelinta tacliinta sare ee dalka.
Arrintan ayuu ka sheegay ismaamulka Kisii ka dib markii uu daahfuray mashruuca guriyaha qiimo ahaan la awoodi karo oo uu ka daahfuray Bomachoge Chache.
Madaxweynaha ayaa sheegay in lacagta loo qoondeeyay tacliinta sare oo horay ahayd 45 bilyan oo shilin la kordhiyay oo laga dhigay 82 bilyan oo shilin sidaasi awgeedna la doonaya in waalidiinta uu ka yaraado qarashaadka ay bixiyaan.