Gachagua oo beesha caalamka ugu baaqay in ay taageerto dadaallada ka dhanka ah saameynta isbeddelka cimillada

0
229

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa saaxiibbada caalamiga ee Kenya ka codsaday in ay sare u qaadaan taageerada ay ku bixiyaan barnaamijyada lagula tacaalo saameynta isbeddelka cimillada.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay xoojisay ka falcelinta abaarta daran, roobabka culus ee da’ay iyo daadadka ka dhashay.
Xilli uy hooygiisa xaafadda Karen ee ismaamulka Nairobi ku qaabilay wakiillada xarunta caalamiga ee cilmi baarista ku sameyso kaymaha ee (CIFOR) iyo mas’uuliyiinta xarunta (ICRAF), ayuu madaxweyne ku xigeenka dalka xusay in loo baahan yahay taageero dhaqaale oo caalami ah.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in arrintan ay faa’iido wayn u leedahay qorshaha dowladda ee ah in ugu dambeyn sanadka 2032-da la abuuro 15 bilyan oo geedo ah.
Gachagua ayaa tilmaamay in isbeddelka cimillada uu dhab yahay oo geedaha la beeraya ay ka mid tahay tallaabooyinka lagu yareynaya saameynta dhibaatadan.
Mas’uuliyiinta xarumaha caalamiga ah ee uu maanta la kulmay ayuu u sheegay in Kenya ay uga baahan tahay garab maaliyadeed, aqoon iyo tala-siin farsamo.
Mr .Gachagua ayaa u bandhigay in ay door ka qaataan ololaha dib loogu wanaajinaya webiyada Nairobi.