Maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee (ICC) ayaa maanta soo saartay warqad lagu soo xiraya Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo wasiirka gaashaandhigga ee Israa’il Yoav Gallant.
Waxaa loo haystaa in ay gaysteen dembiyo dagaal iyo dembiyo ka dhan ah aadanaha oo laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore laga fuliyay Gaza.
Waxaa amarka lagu soo xiraya mas’uuliyiintan bixiyay dacwad oogaha guud ee maxkamadda ICC-da Karim Khan.
Waxaa uu xusay in go’aankan la qaatay ka dib natiijo ka soo baxday baaritaan madax bannaan oo uu xafiiskiisa sameeyay.
Netanyahu iyo wasiirkiisa difaaca ayaa ku eedeysan in ay sababeen baahi shacab , in ay si ulakac ah u sababeen dhibaato wayn, dilal , dhaawacyo iyo waxyeelleyn caafimaad.
Sidoo kale maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da ayaa warqadaha lagu soo xiraya u jartay saddex ka mid ah hogggaamiyaasha ururka Xamaas ee dalka Falastiin.
Madaxdan ayaa kala ah Yaxya Sinwar ( madaxa Xamaas ee Marinka Qaza),Maxamad Diab Ibrahim AL-MASRI oo ah taliyaha qaybta militariga ee Xamaas ee loo yaqaano Al-Qassam Brigades iyo Ismaaciil Haniyeh oo ah madaxa arrimaha siyaasadda ee ururka Xamaas.
Maxkamadda ayaa sheegtay in ay hayso caddeymo wax ku ool oo ka dhan ah shakhsiyaadka la amray in la soo xiro.