Shirkadda bixisa adeegga korontada ee dalka ee Kenya Power ayaa shaacisay in laga billaabo bisha Shanaad ee sanadkan uu boqolkiiba 13.7 hoos u dhici doono qiimaha tamarta.
Tani ayaa lagu tilmaamay tallaabo macaamiisha ka fududeyn doonto culeysyada nololeed ee ay wajahayaan.
Shirkadda ayaa arrinkan u aaneysay hoos u dhac ku yimid qiimaha noocyada kala duwan ee shidaalka sidii uu dhawaan shaaciyay maamulka qaabilsan maareynta adeegyada tamarta iyo batroolka dalka ee (EPRA).
Agaasimaha Guud ee shirkadda Kenya Power,Dr. Fred Siror ayaa sheegay in qiimaha tamarta ee dalka uu yaraaday maadaama uu awood yeeshay shilinka wadanka marka loo barbardhigo sarrifka lacagaha qalaad ee uu doollarka ka mid yahay.
Sidoo kale waxaa hoos u dhacay qarashaadkii dowladda uga bixi jiray soo saaridda tamarta.




