10 meydad ah oo laga helay xabaal wadareed lagu arkay Qaza

0
201

Sarkaal ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sheegay in meydad gaaraya 10 la helay.
Tani ayaa timid ka dib markii xabaal wadareed lagu arkay isbitaalka Al-Shifa ee magaalada Qaza.
Dhanka kale Israa’iil ayaa weli howlgallo ka wado Daanta Galbeed ee la haysto ee dalka Falastiin iyadoo ciidamo dheeraad ah halkaasi gaysay.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii , waxaa duqeymaha Israa’iil ee Qaza lagu dilay ugu yaraan 33,797 qof oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 76,465 kale.