Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa raalli geliyay marwadii koowaad ee ugu horreysay taariikhda wadanka ahna hooyada hoggaamiyihii afaraad ee Kenya Uhuru Kenyatta , Mama Ngina Kenyatta.
Xilligii ololihii doorashada ee sanadkii 2022-kii ayay ahayd markii uu qoyska Kenyatta ka dalbaday inay soo wareejiyaan dhul uu ku doodayay in laga qaatay dadkii u soo halgamay xurriyadda dalka ee MauMau.
Balse xilli uu wareysi siinayay warbaahinta Kameme ee luuqadda Kikuyada ayuu Gachagua hoosta ka xarriiqay inuu qoyska madaxweynihii koowaad ee dalka ka raalli gelinaya arrinkaasi si kasta oo uu u saameeyay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu ka xun yahay in uu xilligaasi magaca Mama Ngina Kenyatta ku soo qaatay siyaasadii doorashada guud la xiriirtay.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa tilmaamay in isagoo matalaya garabka muxaafidka ee dalka uu cafis waydiisanaya hooyada Uhuru Kenyatta.
Waxaa uu intaasi ku daray in uunan hadda ka dib qofna ka oggolaan doonin inuu liido Mama Ngina ama cid kale oo ka soo jeedda gobolka Bartamaha wadanka.
Sidoo kale waxaa uu xusay in kastoo isaga iyo madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta ay siyaasad ahaan kala aragti duwanaayeen oo uu dhaliilo u jeedinayay haddana in taasi laga soo gudbay oo uu diyaar u yahay in ay wada hadlaan.
Gachagua ayaa sheegay in isaga iyo Kenyatta ay wada shaqeynayeen muddo 17 sano ah balse uu keliya khilaaf siyaasadeed ka dhexeeyay 2 sano .
Dhanka kale waxaa uu siyaasiyiinta iyo shacabka gobolka Mount Kenya ku boorriyay in ay midnimada ku dadaalaan oo ay ka fogaadaan waxyaabaha kala qaybin kara.