UNSC oo meel marisay in ay xabbadjoojin ka dhaqan gasho Qaza

0
139

Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee UNSC ayaa ansixiyay qaraar lagu dalbanayay in ay xabbad joojin degdeg ah ka dhaqan gasho Qaza.
Waxaa qaraarka codkooda ku taageerat 14 ka mid ah xubnaha golaha.
Waxaa ka gaabsatay dowladda Maraykanka oo xulafo la ah Israa’iil.
Waa markii ugu horreysay ee qaraar noocan ah uu goluhu meel mariyo.
Dhanka kale duqeymo dhinaca cirka ah oo ay Israa’iil ka gaysatay magaalada Deir al Balah ee Bartamaha Qaza ayaa lagu dilay ugu yaraan 22 Falastiiniyiin ah.
Sidoo kale waxaa 30 qof oo dheeraad ah lagu dilay magaalada Rafah.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii , duqeymaha Israa’iil ee Qaza lagu dilay in ka badan 32,333 qof oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 74,694 kale.