DHAGEYSO:Kindiki oo sheegay in la xiray in ka badan 18,000 oo baarar ah

0
175

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in albaabada la isugu dhuftay 18,650 oo ah goobaha baararka ee lagu caweeyo.
Tani ayaa qayb ka ah dadaallada ay dowladdu ku bixinaysa la tacaalidda iibinta iyo isticmaalka maandooriyaha.
Waxaa uu Kindiki sheegay in 6, 500 oo xarumahan ka mid ah ay siteen leesin sax ah balse ay baal mareen xeerka u degsan xakameynta khamriga ee Alcoholics Control Act.
Sidoo kale 12,150 ayaa shaqeynayey leesin la’aan.
Wasiirka ayaa xilli sheegay in la xiray eedeysanayaal gaaraya 95 ka dibna maxkamad la soo taagay.
Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa qabtay ilaa 40,000 oo liitar oo ah waxyaabaha sunta ee la cabbo.
Waxaa uu sheegay in dowladdu ay sii wadi doonto la dagaalanka waxyaabaha halista ku ah amniga qaran iyo jiritaanka bulshada.
Wasiirka ayaa dowladaha ismaamullada u sheegay in aynan keliya diiradda saarin in goobaha lagu caweeyo la siiyo leesimo ay ku shaqeeyaan si uu dakhli uga soo xaroodo.
Waxaa uu hoggaamiyaasha dowlad deegaannada xusuusiyay in ay mas’uuliyad ka saaran tahay xaqiijinta badqabka shacabka.