Masar iyo Turkiga oo xoojinaya xiriirkooda

0
276

Dowladaha Turkiga iyo Masar ayaa sare u qaadaya xiriirka dibloomaasiyadeed ee ay wadaagaan.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in kulan uu la qaadanaya dhigiisa Masar Cabdel-Fataax el-Sisi diiradda lagu saari doono duullaanka militari ee ay Israa’iil ka wado Qaza.
Waxaa uu intaasi ku daray inay sidoo kale ka wada hadli doonaan arrimaha dhaqaalaha , ganacsiga , dalxiiska , tamarta iyo gaashaandhigga.
Erdogan ayaa arrimahan shaaciyay xilli uu maanta khudbad jeediyay ka hor inta aynan labada mas’uul ku kulmin caasimadda Masar ee Qaahira.
Xiisad dibloomaasiyadeed oo labada waddan sanado ka dhexeysay ka dib, waxaa waayihii ugu dambeeyay soo hagaagayay cilaaqaadka dowladaha Masar iyo Turkiga.
Xiriirka dalalkan ayaa xumaaday ka dib markii Cabdel Fataax el-Sisi uu sanadkii 2013-kii qaab afgembi ah xukunka ugala wareegay Maxamad Mursi oo ay saaxiibbo ahaayeen Erdogan.