Maamulka qaabilsan maareynta adeegyada tamarta iyo batroolka dalka ee (EPRA) ayaa xaqiijiyay in si sharci darro ah ay ku shaqeynaysay goob shidaal oo ku taalla Embakasi oo uu qarax ka dhacay.
EPRA ayaa hoosta ka xarriiqday inay diiday dhammaan codsiyadii ku aaddana in halkaasi laga dhiso kaalinta shidaalka ee aagga Mradi sababo ay ka mid tahay in halkaasi ay dad badan deggan yihiin awgood.
Sidoo kale ganacsadihii codsiyada dirsanayay ayaa lagu xiray inuu soo gudbiyo qiimeynta dhanka khatarrada ee QRA taaso uunan ku guulaysan.
Maamulka EPRA ayaa sheegay in codsiyadan loo soo gudbiyay 19-kii bishii saddexaad , 20-kii bishii 6-aad iyo 31-dii bishii Toddobaad ee sanadkii hore.




