Duullaanka Qaza oo kala geeyay 17,000 oo carruur ah iyo qoysaskooda

0
253

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka carruurta ee UNICEF ayaa sheegtay in duullaanka militari ee ay Israa’iil weli ka wado Qaza uu kala geeyay ugu yaraan 17,000 oo carruur ah iyo qoysaskooda.
Madaxa isgaarsiinta ee UNICEF Jonathan Crickx ayaa sheegay in ku dhawaad dhamaan carruurta Qaza ay u baahan yihiin taageero maskaxeed.
Waxaa uu xusay in canug kasta ay sheekadiisu tahay mid qalbi jab leh oo la xiriirta murugo iyo dad uu waayay.
Tiradan ayaa u dhiganta boqolkiiba hal dadka ku barakacay duqeymaha Israa’iil ee Qaza oo gaaraya 1.7 milyan oo ruux.