Kaniisadda Paul Mackenzie oo loo aqoonsaday koox dambiyeed abaabulan

0
226

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa  waxaa uu koox dambiyeed abaabulan u aqoonsaday kaniisadda uu hoggaamiyo baadariga lagu magacaabo Paul Mackenzie ee Good News International .
Wasiirka ayaa sheegay inuu go’aankan qaatay isagoo cuskanaya awoodaha dastuuriga ee ku qeexan qaybta 22-aad ee xeerarka mamnuucaya falal dambiyeedyada abaabulan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Paul Mackenzie uu wajahaya dacwad ku aaddan inuu in ka badan 400 oo qof oo kaniisadiisa taabacsanaa ka dhaadhiciyay inay cuntada iyo biyaha ka afxirtaan si ay nabi ciise ula kulmaan ilaa ay ka geeriyoodeen.
Meydadka dadkan ayaa laga soo saaray xabaal wadareedyo lagu arkay keynta Shakahola ee ismaamulka Kilifi.