Qaramada Midoobay oo ku baaqday in la dardargeliyo gargaarka Qaza

0
230

Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in sare loo qaado gargaarka baniaadannimo ee la siinaya shacabka Qaza.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay qasab tahay in la wanaajiyo xaaladaha nololeed ee shacabka weli wajahaya duqeymaha ay Israa’iil halkaasi ka wado.
Mas’uulkan ayaa xusay in Qaza ay ka jiraan baahi iyo barakac baahsan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee UNSC la filaya inuu maanta u codeeyo qaraar ku aaddan in xabbad joojin ay ka dhaqan gasho Qaza taasoo labo maalmood dib loo dhigay .
Waxaa socdo wada xaajoodyo lagu doonaya in looga hor tago in Maraykanka oo xubin ka ah golaha uu adeegsado awoodda diidmada qayaxan.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkan waxaa weerarrada Israa’iil ee gudaha Qaza lagu dilay in ka badan 20,000 qof oo Falastiiniyiin ah.