Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu aaso Alle ha u naxariistii wasiirkii haweenka iyo xuquuqul insaanka Soomaaliya oo shalay Jabuuti ku geeriyootay.
Rai’sul wasaare Xamsa cabdi bare ayaa aaska wasiirada u magacaabay guddi qabanqaabiya islamarkana ka shaqeeya sidii Muqdisho loo geyn lahaa looguna aasi lahaa.
dhanka kale Guddoomiyaha golaha shacabka dowlada fedraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Madobe ayaa tacsi tiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxday wasiiradii wasaarada haweenka iyo xaquuqul insaanka Soomaaliya Marxuumad Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye.
Wasiirada khadiijo ayaa shalay galinkii danbe ku geeriyooday isbitaal gaara oo ku yaala magaalada Jabuuti ee caasimada Jamhuuriyada Jabuuti.
Sidoo kale wasiirka Dhallinyarda iyo Ciyaaraha ee XFS Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geeridii AUN Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.




