Qatar iyo Faransiiska oo ku baaqay in dib loo furo Marinka Hormuz lana hirgeliyo xabbad-joojinta Gaza

0
54

Qatar iyo Faransiiska ayaa ku baaqay in la xaqiijiyo xorriyadda isu-socodka maraakiibta ee Marinka Hormuz, isla markaana la hirgeliyo heshiiska xabbad-joojinta Gaza, kaddib kulan magaalada Doha ku dhexmaray Amiirka Qatar, Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, iyo Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron.
Bayaan wadajir ah oo Arbacadii la soo saaray ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay dib u soo celinta xorriyadda isu-socodka maraakiibta ee Marinka Hormuz, iyada oo aan wax xannibaad ah ama lacag ah lagu soo rogin.
Dhexdhexaadiyaha Qatar, Ibrahim bin Sultan Al Hashmi, ayaa Talaadadii sheegay in dadaallada diblomaasiyadeed ay socdaan si loo dejiyo xiisadaha gobolka, dibna loogu furo Marinka Hormuz.
Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi, ayaa Arbacadii sheegay in Iran ay diyaar u tahay inay dib fursad u siiso diblomaasiyadda.
Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ku baaqay in ciidamada Israa’iil laga saaro Gaza, iyadoo la raacayo heshiisyadii hore loo gaaray. Waxay sidoo kale dalbadeen in gargaar bani’aadannimo si degdeg ah, ammaan ah oo aan wax caqabad ah lahayn loo gaarsiiyo dadka Gaza, iyada oo aan shuruudo ama xannibaado lagu soo rogin.
Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) ayaa Isniintii sheegay in ku dhowaad 1.4 milyan oo qof oo ku nool Gaza, kuwaas oo u dhiganta qiyaastii saddex-meelood laba meel dadka deegaanka, ay wajahaan cunto-yaraan ba’an oo gaartay heer qalalaase ama ka sii daran.
Dhanka Lubnaan, Qatar iyo Faransiiska ayaa taageeray in si buuxda loo hirgeliyo Heshiiska Qaab-dhismeedka Saddex-geesoodka ah, kaas oo looga golleeyahay soo celinta madax-bannaanida Lubnaan, hub-ka-dhigista ururka Xisbullah iyo in ciidamada Israa’iil gebi ahaanba laga saaro dalkaas.
Labada dal ayaa sidoo kale ka digay in Lubnaan uu ka dhalan karo faaruq amni marka uu dhammaado waajibaadka howlgalka nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay.
Waxay ku baaqeen in taageerada caalamiga ah ee la siiyo dowladda Lubnaan iyo ciidamadeeda qalabka sida ay sii socoto, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.