Waxaa ismaamulka Wajeer laga billaabay bixinta gargaar isugu jiro cunno iyo waxyaabaha kale aasaasiga ah ee ay qoysaska isticmaalaan oo la gaarsiinaya dadka ay fatahaadaha saameeyeen.
Afhayeenka dowladda dhexe , Issac Mwaura ayaa sheegay in daadadka ku dhuftay ismaamulka Wajeer ay saameeyeen in ka badan 11,000 oo qoysas ah halka ay dhinteen 7 ruux.
Meelaha ay saameynta soo gaartay waxaa ka mid ah 42 xarumood oo caafimaad iyo 212 goobood oo ku yaalla meel ka baxsan magaalada Wajeer oo ay dadweynaha ka helayeen adeegyada caafimaadka iyo nafaqada.
Afhayeenka dowladda dhexe Issac Mwaura ayaa sheegay in daadadka ay saameyn ku yeesheen 80 dugsi oo ku yaalla Wajeer sidaasi awgeedna ay dowladdu ku dadaalaysa sidii dayactir loogu sameyn lahaa xarumahan ka hor inta aan dugsiyada la furin sanadka soo socdo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in mas’uuliyiin isugu jiray kuwa dowladda sare iyo ismaamulka Wajeer ay qiimeeyeen saameynta ka dhalatay daadadka oo ay dowladdu diyaar u tahay inay shacabka u fidiso gargaar wax ku ool ah.
Issac Mwaura oo xusay in laga cabsi qabo in dhulgariir uu saameeyo ismaamulka Murang’a ayaa dhanka kale dhammaan kenyaanka ku boorriyay inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan xilli fasaxeedka Christmas oo aynan fududeysan biyaha roobka ee yaraaday.
Barasaab ku xigeenka ismaamulka Wajeer Axmad Muxumad ayaa dhankiisa sheegay inay cunno u soo iibiyeen 18,000 oo qoysas ah .
Waxaa uu intaasi ku daray in 10,000 oo qoysaskan ka mid ah loo qaybiyay gargaarkii loogu tala galay inta kalena lagu howlan yahay.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibbada kale in agab kala duwan la siiyay ilaa 2,000 oo qoys.
Guddoomiye ku xigeenka Wajeer ayaa sheegay inay tallaaleen ku dhawaad 1,000 neef oo xoolo ah.
Waxaa uu dowladda dhexe , militariga dalka , hay’adaha samafalka sida Laanqayrta Cas uga mahadceliyay taageerada ay u muujiyeen dowladda ismaamulka Wajeer.
Barasaab ku xigeenka Wajeer ayaa tilmaamay inay lagama maarmaan tahay in la iska kaashado gurmadka loo fidinaya dadweynaha .
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in maadaama ay hadda yaraadeen biyaha daadadka inay sidoo kale ku dadaalayaan ka hor tagga cudurrada faafa.
Xoghayaha golaha wasiirrada ee dlaka Mercy Wanjau ayaa dhankeeda sheegtay inay Wajeer gaarsiiyay in ka badan 2,500 oo kaartoon oo daawooyin kala duwan ah.
Sidoo kale waxay hoosta ka xarriiqday in dadweynaha Wajeer ay doonayaan in dib loo dhiso waddooyinka ku burburay daadadka, in halkaasi la gaarsiiyo keydka qaran ee korontada iyo in la furo xuduudda Kenya iyo Soomaaliya .
Mercy Wanjau ayaa ballan qaadday inay codsiyadan u gudbin doonto golaha wasiirrada ee dalka.




