DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo la kulmay madaxda Waqooyi Bari

0
328

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi kulan kula yeeshay hoggaamiyaasha siyaasadeed ee gobolka Waqooyi Bari.
Waxaa uu ka codsaday inay dowladda dhexe garab ku siiyaan fulinta mashaariicda horumarineed ee ay kenyaanka u baahan yihiin.
William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa uu wax ka qaban doono baahiyo dhanka kaabayaasha waddooyinka ah ,biyaha , shaqo la’aanta , waxbarashada, amniga iyo caafimaadka oo ay madaxdan la wadaageen.

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa dhankiisa ku baaqay in dowladda ay shirkad gaar ah ku wareejiso warshadda hilibka ee KMC.
Ducaale ayaa sheegay in warshaddan lagu leeyahay deyn dhan 600 oo milyan oo shilin sidaasi awgeedna ay lagama maarmaan tahay in deymahan laga cafiyo ka dibna lagu wareejiyo shirkad maalgelineed oo suuq ganacsi ku leh bariga dhexe si loo kobciyo dakhliga warshadda hilibka ee KMC.
Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer, Aadan Keynaan Weheliye ayaa madaxweyne William Ruto ka codsaday inuu xoogga saaro sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadda dhanka korontada ee Wajeer.
Waxaa uu ku taliyay in keydka qaran ee korontada la gaarsiiyo ismaamulkaasi si looga baxo xaaladda hadda taagan ee xaafadaha Wajeer loogu qaybiyo adeegga korontada.
Sidoo kale waxaa uu ku baaqay in dowladda ay gacan ka gaysato sidii loo dardargelin lahaa dhameystirka qaybaha maamulka iyo maktabadda ee jaamacadda Garissa University.