In ka badan 17 qof oo ku dhintay weerar ka dhacay Khan Younis

0
330

Ugu yaraan 17 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen duqeyn dhanka cirika ah oo laga gaystay magaalada Khan Younis ee Koonfurta Qaza.
Wakaaladda wararka ee Falastiin ee WAFA ayaa ku warramaysa in ciidamada Israa’iil ay gantaallo dhowr ah la dhaceen guri halkaasi ku yaalla.
Waxaa burburka dhismahaasi ku hoos xanniban dad aan weli tiradoodu la shaacin.