Dowladda Maraykanka ayaa xalay gudaha dalka Syria ka fulisay weerar lagu bartilmaameedsaday goob la sheegay inay hubka ku kaydsadaan ciidamada kacaanka ee Iiraan iyo kooxo ay taageerto xukuumadda Tehran.
Waxaa sidatan wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay saraakiil sare oo u dhashay Maraykanka.
Hasa ahaate ilaa iyo hadda ma cadda inay jiraan muwaadiniin ka soo jeedo Iiraan oo ay waxyeello ka soo gaartay duqeymaha.
Waxaa weerarrada loo adeegsaday diyaaradaha dagaalka ee F-16 oo labo ah.
Duqeymaha ayaa abaare 4:30 aroornino ee maanta laga soo tabiyay meel u dhow magaalada Abu Kamal ee Syria oo xigta xadka wadankaasi uu la wadaago dalka Ciraaq.
Xoghayaha waaxda difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin ayaa horay bayaan ku sheegay in duqeymaha aynan la mid ahayn kuwa ay Israa’iil ku beegsabaysa ururka Xamaas ee dalka Falastiin.




