Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa amar ku bixiyay in la hakiyo qandaraas ku kacaya 103 milyan oo shilin oo ay bixisay dowladda hoose ee ismaamulka Kilifi.
Guddoomiyaha dowlad deegaankaasi Gideon Mung’aro ayaa laga doonaya inuu amarkan u hoggaansamo oo uu meesha ka saaro qandaraaska.
Qandaraaska ayaa la xiriira hannaanka maareynta dakhliga ee ismaamulkaasi.
EACC ayaa warqad ay barasaabka Kilifi u qortay ku sheegtay inay baaritaano ku hayso eedeymaha in aan la marin habraaca habboon ee bixinta qandaraasyada sidaasi awgeedna inta baaritaannada laga dhameystiraya aan qandaraaska la guda geli karin.




