Dowladda Kiambu oo billowday la wareegidda dhulal la dhacay

0
208

Dowladda hoose ee ismaamulka Kiambu ayaa billowday inay dib ula wareegto in ka badan 1,000 oo ah dhulal si sharci darro ah lagu qaatay.
Waxay arrinkan la kaashanaysa guddiga qaran ee dhulalka ee (NLC) iyo waaxda dambi baarista ee DCI-da.
Barasaabka ismaamulka Kiambu , Kimani Wamatangi ayaa sheegay inay dib ula wareegi doonaan 720 eekar oo horay loo dhacay.
Waxaa uu sheegay in dadka dhulalkan deggan ay haystaan 60 cishe oo ay ku soo gudbinayaan dokumeentiyada laga doonayo