Brian Mwenda oo lagu siidaayay 200,000 oo damaanad lacageed ah

0
258

Maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi ayaa damaanad lacageed oo dhan 200,000 oo shilin ku siidaysay Brian Mwenda oo ku eedeysan inuu yahay qareen been abuur ah.
Waxaa go’aankan soo saaray garsoore Lukas Onyina.
Xaakinka ayaa sheegay in waaxda dacwad oogidda dalka aynan maxkamadda u soo bandhigin sababo maangal ah oo eedeysanaha loogu diidi karo damaanad.
Mwenda ayaa maxkamad la soo taagay toddobaadkii hore waxaa uuna wajahaya ilaa 6 dacwadood oo ay ka mid tahay inuu adeegsanayay dokumeenti iyo shahaadada ay ku shaqeeyaan qareennada oo faalis ah.
Brian ayaa iska fogeeyay dhamaan eedeymihii loo soo jeediyay waxaana ugu dambeyn lagu siidaayay damaanad lacageed.
18-kii bishan ayay ahayd markii ay xireen saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ka dib markii la soo tabiyay inuunan qareen dhab ah ahayn.
Dacwadaha uu wajahaya ayay maxkamaddu mar kale soo hadal qaadi doontaa 7-da bisha 11-aad ee sanadkan.
Saraakiisha dacwad oogidda ayaa maxkamadda ka codsaday in aan eedeysanaha lagu siidayn damaanad maadaama uu ka qayb geli doono howlaha maxkamadda balse taasi ayaa laga diiday.
Sidoo kale waxay maxkamadda u sheegeen in Brian Mwenda uunan tixgelin xeerka oo uu booliiska dalka ka dhuumanayay afar cishe.