Qaramada midoobay ayaa sheegtay in muddo maalmo ah duqeymaha Israa’iil ay ku barakaceen qiyaastii hal milyan oo qof oo ku noolaa Qaza.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaadday hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin ee UNRWA.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo xaaladda ka taagan Qaza lagu tilmaamaya mid aad looga xumaado.




