Israa’iil oo adeegyada biyaha iyo tamarta ee Qaza ku xirtay xurriyadda dadka laga haysto

0
580

Wasiirka wasaaradda tamarta ee Israa’iil oo lagu magacaabo Israel Katz ayaa sheegay in Qaza aan loo fasixi doonin adeegyada biyaha iyo tamarta ilaa iyo inta ururka Xamaas ee dalka Falastiin uu ka soo siidaynaya dad u dhashay Israa’iil oo uu gacanta ku dhigay.
Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu ku sheegay in sidoo kale baabuur shidaal uunan geli doonin Qaza ilaa iyo inta ay la haystayaasha dib uga helayaan xurriyadooda.
Militariga Israa’iil ayaa sheegay inuu aqoonsaday 97 sarkaal oo ay ka haysato Xamaas.
Afhayeenka ciidamada gaashaandhigga ee Israa’iil, Daniel Hagari ayaa sheegay in howlgalka ay ka wadaan Qaza lagu doonayo in lagu baabi’iyo awoodda ay Xamaas u yeelan karto inay wax maamusho.
Tirada saraakiisha militari ee laga dilay tan iyo Sabtidii ayuu ku sheegay 222 wuxuuna xusay inay isku diyaarinayaan inay billaabaan wajiga labaad ee dagaalka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay Israa’iil weli duqeymo ka wado Qaza waxaana halkaasi lagu dilay dhowr qof oo ay ka mid yihiin sagaal carruur ah oo looga takhalusay magaalada Khan Younis.