Rugta ganacsiga ee dalka oo xafiis ka furatay Shiinaha

0
448

Rugta ganacsiga ee dalka ee (KNCCI) ayaa shaacisay inay xafiis ka hirgelisay magaalada Changsha ee gobolka Hunan oo ku yaalla bartamaha dalka Shiinaha.
Madaxa rugta ganacsiga ee dalka Erick Ruto ayaa arrinkan ka sheegay shir jaraaid oo uu ku qabtay magaalada Nairobi.
Waxaa uu intaasi ku daray in xafiiska la furay uu suurtagelin doono in wax badan laga ogaado badeecooyinka lagu soo saaro gudaha wadanka.
Mas’uulkan ayaa xusay inay hayaan macluumaadka ilaa 600 oo shirkadood oo badeecooyin kala duwan u dhoofiya dibadda.
Xafiiskaasi ayaa ka shaqeyn doono u ololeynta arrimaha ganacsiga.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo dalalka Kenya iyo Shiinaha ay sare u sii qaadayaan iskaashiga maalgashi ee ka dhexeya.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa sheegtay in sanadkii hore qiimaha badeecooyinka Kenya ee wadankaasi loo iibgeeyay uu noqday 270 milyan oo doolar.