Marwada koowaad ee dalka oo ku baaqday in la soo afjaro tacaddiga jinsiyadeed

0
335

Marwada koowaad ee dalka Rachel Ruto ayaa ku baaqday in la dardargeliyo ololaha lagu soo afjaraya xadgudubyada jinsiga ku saleysan.
Waxay tusaale u soo qaadatay gabdhaha xilli hore uur qaada, shaqaaqooyinka dhanka qoyska iyo wax ka qabashada saameynta cudurka HIV/AIDS uu ku leeyahay dhallinyarada.
Rachel Ruto ayaa dhammaan daneeyayaasha kala duwan ugu baaqday inay ka wada shaqeeyaan cirib tirka xadgudubyada jinsiyadeed .
Arrintan ayay ka sheegtay ismaamulka Kericho oo lagu xusay maalinta caalamiga ee gabdhaha.