DHAGEYSO:Dowladda oo sheegtay inay dejisay tallaabooyin lagu yareynaya qiimaha maciishadda

0
410

Hoggaamiyaha dalka William Ruto ayaa sheegay in la diyaariyay tallaabooyin kala duwan oo la doonaya in loo adeegsado hoos u dhigidda qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Waxaa uu ugu horreyn faahfaahin ka bixiyay sababaha keenay qiimaha sarreeya ee maciishadda.

William Ruto ayaa xusay in tallaabooyinka uu maamulkiisa qaadaya ay ka mid tahay in la qodo ceelasha biyaha guud ahaan wadanka , in la dhiso suuqyo dheeraad ah iyo beeralayda oo laga caawinaya wax soo saarkooda.