Ciidamada ammaanka ayaa xabsiga ku haaya toddobo eedeysanayaal oo lala xiriirinaya ka ganacsiga balwadda.
Dadkan ayaa laga qabtay xaafadda Ngara ee ismaamulka Nairobi waxaana lagu helay daroogo qiimaheeda lacageed lagu sheegay 120 milyan oo shilin.
Tuhmanayaasha ayaa isugu jiro shan qof oo kenyaan ah iyo labo kale oo ka soo kala jeedo waddamada India iyo Pakistan.
Magacyada eedeysanayaasha ayay waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ku sheegtay Maxamad Salem Maxamad Xuseen, Khan Maxamad Ashraf Changu, Wesley Silvanus Adwenya, Paul Kivuli Sote, Railings Innocent Ogondi, Moses Liyai Imbwanga iyo Latif Maxamad Dawood .
Waxaa uu qorshuhu yahay in toddobada qof ay maxkamad ka soo hormuuqdaan 26-ka bishan oo Isniinta ku beegan.
SLEUTHS RECOVER DRUGS WORTH OVER SH120 MILLION
Seven suspects including two foreigners are in custody following the recovery of a consignment of cocaine weighing 24 kilograms and kentamine weighing over 1,200 kilograms.
The drugs valued at approximately Sh121 million were… pic.twitter.com/dlIi5GzuK6
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) June 23, 2023