Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa khudbad uu dhallinyarada ugu jeediyay magaalada Paris ee caasimadda wadanka Faransiiska ka sheegay in saameynta isbeddelka ku yimaado cimillada ay tahay mid ka sii dareysa sanadba sanadka ka dambeeya.
Waxaa uu sheegay in malaayiin qof ay noloshooda iyo hantidooda ku waayaan abaaro , duufaanno , daadad iyo dabab.
Madaxweynaha ayaa xusay in dunida ay haysato raasimaal oo ayna leedahay awood xal loogu heli karo saameynta isbeddelka cimillada iyadoo la adeegsanaya horumarka tiknolojiyadeed.
Ruto ayaa sheegay in arrintan ay u baahan tahay wada jir iyo cadaalad.
Hoggaamiyaha dalka ayaa intaasi ku daray in soo saaridda tamarta ee dalka ay boqolkiiba 92 ku saleysan tahay kheyraadka dabiiciga ah.
William Ruto ayaa caalamka ugu baaqay inuu adeegsado hannaan maaliyadeed oo cadaalad ah oo aan garab siinayn kuwa hawada iyo deegaanka wasaqeeya.
Sidoo kale waxaa uu codsaday in qaaradda Afrika la siiyo dhaqaale ay wax uga qaban karto isbeddelka cimillada.
Addressing youth on climate change and financing at the Champs de Mars, Paris, France. pic.twitter.com/yuQxcbeEWP
— State House Kenya (@StateHouseKenya) June 23, 2023
πππ π ππππππππ πππππ ππππ ππππ πππ πππππ ππππππππ πππππππ πππ πππππππ ππππππ
President @WilliamsRuto has said the financial architecture must be of equals.
He explained that the resources should neither be⦠pic.twitter.com/KksDCDfGak
— State House Kenya (@StateHouseKenya) June 22, 2023




