Macron oo cambaareeyay rabshadaha iyo bililiqada ka dhacay guud ahaan Faransiiska

0
70

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa muujiyay cadho iyo ceeb ka dhalatay rabshadaha, isagoo sheegay in dibadbaxayaal rabshado wada ay isku dayayaan inay dumiyaan jamhuuriyadda.
Khudbad uu Axaddii telefishinka ka jeediyay oo uu shacabka kula hadlayay, Macron ayaa ballanqaaday in dadka ka qayb qaatay rabshadaha iyo bililiqada ay ka jawaabi doonaan dambiyadooda, kaddib markii rabshadihii Sabtidii ay noqdeen kuwii ugu darnaa ee magaalooyinka Faransiiska ka dhaca sannado badan.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka ayaa sheegtay in ku dhowaad 2,400 oo qof la xiray Sabtidii, halka qiyaastii 1,000 askari oo boolis iyo ciidanka militariga ah ay ku dhaawacmeen rabshadaha.
Macron ayaa sheegay in la kala saaro dibadbaxayaasha qaba dalabyo sharci ah iyo dadka wax burburiyay, wax jebiyay, isla markaana bililiqaystay.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ballanqaaday inuu dhisi doono xarun maaraynta xaaladaha degdegga ah si loo bixiyo gargaar degdeg ah dadka wajahaya duruufo adag.
Wuxuu intaas ku daray in casharro laga baran doono rabshadihii ba’naa ee qarxay dhammaadka toddobaadkan dalkaas.
Dibadbaxyada ayaa si degdeg ah u noqonaya arrin siyaasadeed oo ay xisbiyadu isku adeegsanayaan, iyagoo doonaya inay kasbadaan taageerada shacabka ka hor doorashada madaxtinimada ee sannadka soo socda.