Aabe loo xiray geerida gabadhiisa ee xaafada Kibra, Nairobi

0
158

Nin 47 jir ah ayaa lagu xiray Kibra, Nairobi, kadib markii lagu eedeeyay inuu si xun u tacaddi ah kula kacay gabadhiisa oo 9 jir ahayd, taasoo markii dambe geeriyootay.
Dhacdadan ayaa dhacday 6-dii bishan Sebtembar sanadkan 2026. Booliska saldhigga Kibra ayaa helay wicitaan degdeg ah oo ku saabsan gabadha oo dhaawac culus soo gaaray.
Markii ay goobta tageen, waxaa loo sheegay in aabaha uu gabadha geeyay Isbitaalka Mbagathi si loogu daweeyo. Boolisku waxay u tageen isbitaalka, balse waxaa halkaas lagu xaqiijiyay in gabadhii ay geeriyootay.
Baaritaanno hordhac ah ayaa muujiyay dhaawacyo iyo barar ka muuqday jirka gabadha, iyadoo sidoo kale la sheegay in baaritaanku muujiyay in loo geystay xadgudub galmo.
Maydka gabadha ayaa loo qaaday halka meydadka la dhigo ee Nairobi , iyadoo la sugayo baaritaanka meydka.
Ninka lagu magacaabo Norman Swahili ayaa hadda ku jira gacanta booliska, waxaana baarayaal ay wadaan baaritaanka kiiska ka hor inta aan maxkamad la horgeyn. DCI waxay tacsi u dirtay qoyska gabadha, waxayna bulshada ugu baaqday inay si adag uga hortagaan rabshadaha iyo tacaddiyada carruurta.