Wasaaradda Caafimaadka Kenya ayaa shacabka ugu baaqday inay xoojiyaan nadaafadda iyo tallaabooyinka looga hortagayo cudurka Mpox, kaddib markii sare u kac laga dareemay kiisaska cudurka ee dalka.
Xoghayaha Sare ee Wasaaradda Caafimaadka, Waaxda Caafimaadka Dadweynaha iyo Heerarka Xirfadeed, Mary Muthoni, ayaa Isniinta maanta ah sheegtay in fayraska Mpox uu weli khatar ku yahay Kenya, iyadoo shacabka ku boorrisay inay feejignaadaan oo ay qaataan taxaddarrada lagama maarmaanka ah.
Waxay tilmaantay muhiimadda ay leedahay in la sii wado kormeerka caafimaad, tallaalka, wacyigelinta bulshada iyo ilaalinta nadaafadda, si loo yareeyo faafitaanka cudurka.
Sida ay sheegtay Muthoni, Kenya ayaa ilaa hadda xaqiijisay 1,298 kiis oo Mpox ah, kuwaas oo laga diiwaangeliyey 40 gobol, halka cudurku uu sababay dhimashada 19 qof.
Mombasa ayaa ah gobolka ugu badan kiisaska, iyadoo laga diiwaangeliyey 452 kiis, waxaana ku xiga Nairobi oo leh 320 kiis iyo Busia oo leh 115 kiis.
Gobollada kale ee lagu tilmaamay inay saameeyeen ama khatar sare ugu jiraan Mpox waxaa ka mid ah Makueni, Kiambu, Kilifi iyo Nakuru. Wasaaraddu waxay sheegtay in toddoba gobol, gaar ahaan kuwa ku yaalla marinka gaadiidka, ay weli yihiin meelaha ugu khatarta badan.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa sidoo kale ku baaqday in la sii xoojiyo wacyigelinta bulshada iyo baaritaanka dadka ka soo galaya xuduudaha dalka, si looga hortago faafitaanka cudurrada.
Dhanka kale, Mary Muthoni waxay sheegtay in Kenya aysan weli xaqiijin wax kiis ah oo Ebola ah, balse ay jiraan tallaabooyin looga hortagayo in fayrasku dalka soo galo, iyadoo sidoo kale la diyaariyey habraacyo wax looga qabanayo xaalad kasta oo laga shakiyo.




