DHEGEYSO:Odayaasha Esanyanait oo dowladda ka dalbaday inay joojiso howlgallada hubinta hubka ee Turkana

0
121

Odayaasha bulshada Esanyanait ee dowlad deegaanka Turkana ayaa dowladda Kenya ugu baaqay inay joojiso howlgallada hubka lagala wareegayo ee ka socda deegaanka.
Odayaasha ayaa sheegay in howlgalladaasi ay si gaar ah u beegsanayaan hal bulsho oo keliya, taasina ay abuuri karto dareen takoor iyo cadaalad-darro ah.
Waxay dowladda ka codsadeen in arrinta hubka iyo amniga lagu xalliyo wada-hadal iyo iskaashi lala yeesho hoggaamiyeyaasha bulshada, halkii laga qaadi lahaa tallaabooyin ay u arkaan kuwo hal dhinac lagu beegsanayo.
Sidoo kale, odayaashu waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in tallaabooyinka amniga si sinnaan iyo caddaalad ah loogu dabaqo dhammaan bulshooyinka ku nool ismaamulka Turkana.