Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa hoggaaminaya kulan siyaasadeed oo ka socda magaalada Naivasha, kaas oo looga hadlayo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka iyo jihada ay yeelan doonto iskaashiga siyaasadeed ee ka dhashay heshiiskii ODM iyo UDA.
Kulanka waxaa sidoo kale diiradda lagu saarayaa qorshaha iyo jihada doorashada guud ee Kenya ee sanadka 2027, iyadoo hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ay ka wada hadlayaan sida loo wajihi karo doorashada soo socota.
Madaxweynaha Ruto ayaa kulanka ka jeediyay hadal kooban oo ku saabsan mustaqbalka iskaashiga siyaasadeed iyo qorshayaasha la xiriira doorashada 2027.
Waxaa uuna sheegay in ay ku guulaysan doonaan doorashada sanadka soo socda.
Qaar ka mid ah hoggaamiyaasha ODM ayaa ka hadlay muhiimadda uu kulankaas leeyahay.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Madaxweyne Ruto oo hoggaaminaya kulan siyaasadeed oo ka dhacaya Naivasha




