Maxkamadda Sare oo Oggolaatay in Saddex Askari Lagu Hayo Xabsiga 30 Maalmood

0
108

Maxkamadda Sare ayaa oggolaatay codsi lagu dalbaday in muddo 30 maalmood ah xabsiga lagu hayo saddex askari oo boolis ah, kuwaas oo lala xiriirinayo dilkii Dr. Victoria Nthunya Mutiso.
Saddexda eedeysane oo kala ah Elijah Kibelion Kimoi, Daniel Njoroge iyo Kevin Kinuthia ayaa Isniinta maanta ah la horgeeyay maxkamadda, iyadoo Hay’adda Dambi-baarista dalka , DCI, ay sheegtay in mid kasta oo ka mid ah uu door ku lahaa dilka.
Garsoore Paul Mutai ayaa sheegay in marxaladdan aan la hubin karin ammaanka eedeysanayaasha haddii lasii daayo, sidoo kalena ay jirto khatar ah inay farageliyaan baaritaanka socda.
Sida lagu sheegay warbixin ay maxkamadda u gudbisay DCI, baaritaannada hordhaca ah ayaa tilmaamaya in Kimoi uu ahaa qofkii riday rasaastii dishay Dr. Mutiso.
Njoroge ayaa lagu eedeeyay inuu waday gaari nooca Toyota Prado ah oo la sheegay inuu hor istaagay gaarigii ay Dr. Mutiso saarneyd, halka Kinuthia lagu eedeeyay inuu mooto ku geeyay Kimoi goobta dilka, kana soo qaaday.
Saddexda nin ayaa la xiray 7-dii Agoosto 2026, kaddib howlgal ay DCI ku sheegtay inuu ahaa mid ku saleysnaa xog sirdoon.
Dr. Mutiso ayaa la toogtay 29-kii Luulyo 2026, xilli ay ku jirtay gaari ku wajahnaa Upper Hill ee Nairobi.
Baarayaasha ayaa goobta ka helay laba qob oo rasaas ah oo la isticmaalay iyo laba qaybood oo rasaas ah, kuwaas oo loo diray baaritaan dhanka cilmiga dambi-baarista ah.
DCI ayaa sidoo kale soo heshay bastoolad nooca Mini Jericho ah, waxaana baaritaanka hordhaca ah ee ballistic-ga lagu sheegay inuu xiriir la leeyahay qobabkii iyo rasaastii laga helay goobta dilka.
Baarayaashu waxay sidoo kale tuhunsan yihiin in khilaaf dhul uu ka mid noqon karo sababihii loo dilay Dr. Mutiso.
Dhulka lagu muransan yahay ayaa wali dacwadiisu ka socota maxkamad ku taalla Machakos.
DCI ayaa sheegtay in Dr. Mutiso ay horey uga cabatay isku day dil iyo in la daba socday.
7-dii Luulyo 2026, waxay booliska u sheegtay in laba nin oo hubeysan oo mooto watay ay ku qabteen meel u dhow Junction Mall ee Ngong Road, ayna qori ugu hanjabeen iyadoona ka baxsatay.
Baarayaasha ayaa tuhunsan in Kimoi uu ka mid ahaa ragga ku lug lahaa dhacdadaas hore.
DCI waxay sidoo kale sheegtay in sayga Dr. Mutiso uu yahay markhaati muhiim ah, balse uusan weli bixin warbixin dhammaystiran sababo la xiriira xaaladda naxdinta leh ee uu ku jiro geerida xaaskiisa.
Baaritaanka ayaa weli socda, waxaana la raadinayaa hub kale oo loo maleynayo in loo adeegsaday dilka, iyadoo sidoo kale la baarayo muuqaalada CCTV-yada, xogta taleefoonnada, gaadiidka iyo mootooyinka lala xiriirinayo kiiska iyo markhaatiyaal kale.
DCI ayaa maxkamadda u sheegtay in qaar ka mid ah dadka looga shakisan yahay kiiskan ay weli baxsad yihiin, sidaas darteedna sii haynta saddexda eedeysane ay muhiim u tahay in laga hortago faragelin lagu sameeyo baaritaanka.