Ciidamada Israa’iil oo 19 Falastiiniyiin ah ku xiray Daanta Galbeed ee la haysto

0
94

Ugu yaraan 19 Falastiiniyiin ah ayaa ciidamada Israa’iil ku xiray meelo kala duwan oo ka tirsan Daanta Galbeed ee la haysto, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Falastiin ee Wafa.
Ilo dhinaca ammaanka ah ayaa Wafa u sheegay in 10 qof lagu xiray tuulada Marah Rabah, oo ka tirsan gobolka Beytlaxam.
Ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale weerar ku qaaday xerada qaxootiga Balata, oo bariga kaga beegan magaalada Nablus. Halkaas ayay ku xireen shan Falastiiniyiin ah, iyadoo sidoo kale ay rasaas ku dhaawaceen wiil dhalinyaro ah oo markii dambe isbitaal loo qaaday si loogu daweeyo.
Gobolka Jenin, ciidamada Israa’iil ayaa aroornimadii Isniinta xiray saddex Falastiiniyiin ah. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in ciidamada ay gudaha u galeen dhowr guri oo ku yaalla gobolka, isla markaana ay dadka rayidka ah su’aalo weydiiyeen.
Dhanka waqooyiga Ramallah, ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale ku xiray Maxamuud Shalawto, oo ah nin horey 10 sano xabsi ugu soo jiray, waxaana lagu qabtay tuulada qadiimiga ah ee Falastiin ee Aboud.