Wasiirka Adeegga Dadweynaha, Horumarinta Awoodda Aadanaha iyo Barnaamijyada Gaarka ah, Geoffrey Ruku, ayaa dhaliil u jeediyay madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta, isaga oo ugu baaqay inuu siiyo madaxweyne William Ruto ixtiraamka uu xilkiisu mudan yahay. Waxaa uu xusay in Ruto uu si buuxda u ixtiraami jiray Uhuru intii uu ahaa ku xigeenka madaxweynaha, isla markaana ay habboon tahay in ixtiraamkaas la isu celiyo.
Ruku ayaa sidoo kale ugu baaqay hoggaamiyeyaasha hore inay ka fogaadaan ku lug lahaanshaha siyaasadda sida tooska ah, isaga oo tusaale u soo qaatay madaxweynayaashii hore Daniel arap Moi iyo Mwai Kibaki, kuwaas oo hoos u dhigay dhaqdhaqaaqyadooda siyaasadeed ka dib markii ay xilka ka degeen. Waxaa uu ka digay hadallo kicin kara xiisado iyo kala qaybsanaan, isagoo sheegay in dalal badan ay burbureen sababo la xiriira hadallo mas’uuliyad darro ah.
Waxaa uu shacabka ugu baaqay inay diidaan siyaasiyiin ka faa’iideysta kala duwanaanshaha qowmiyadeed, gaar ahaan iyadoo ay soo dhawaatay doorashada guud ee 2027, isla markaana ay ilaashadaan midnimada qaranka. Dhanka kale, waxaa uu ammaanay madaxweyne Ruto oo uu sheegay inuu si joogto ah hormuud uga yahay midnimada, waxaa uuna ku dhiirrigeliyay muwaadiniinta inay si ballaaran isu diiwaangeliyaan si ay uga qayb qaataan doorashooyinka.
Dhanka kale Ruku ayaa dhaliilay ku xigeenkii hore ee madaxweynaha Rigathi Gachagua, isaga oo ku eedeeyay inuu si qaldan u adeegsado taariikhda halgankii Mau Mau. Waxaa uu sidoo kale digniin u diray shaqaalaha Waaxda Diiwaangelinta Dadweynaha, isagoo faray inay bixiyaan kaararka aqoonsiga iyaga oo aan qaadan laaluush, isla markaana ay u hoggaansamaan qiyamka daacadnimada, hufnaanta iyo isla xisaabtanka ee ku xusan Dastuurka dalka.




